Helsinki 15.5.2010(Heeganews)
Munaasabad ballaadhan oo loogu dabaaldegayo maalinta la soo noqoshada madax bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland ayaa lagu qabtay masraxa rästis oo ku yaal magaala madaxda wadanka Finland ee Helsinki. Xafladan oo ay u dhamaayeen dhammaanba qaybaha kala duwan ee bulshaweynta reer somaliland ee ku dhaqan dalka Finland yar iyo weynba oo ay qabanqaabisay Jaaliyadda somaliland ee dalka Finland.Xafladan waxaa daadihinaayey Warda Axmed iyo Axmed cabdiraxman.
Gudoomiyaha jaaliyadda somaliland Xasan cali sadexle ayaa furay xafladda,kuna soo dhaweeyey dadwaynaha iyo martisharafta ka soo qayb galay xafladda.
Bilawgii xafladda waxaa wacdi diini ah ka soo jeediyey Liibaan yaxya Ibrahim; wacdiga oo ka koobnaa tilmaamo uu u jeediyey dadweynihii munaasabadda ka soo qayb galay gaar ahaan dhallinyarada inay dhaqankooda ilaashadaan waxaa uu si faahfaahsan uu cashar uga bixiyey waallidiinta iyo xidhiidhka ay la leeyihiin carruurtooda.
Articelkoodhan waxaad ka akhrinikartaa newspage heeganews.com

.jpg-for-web-1.jpeg)
Ei kommentteja:
Lähetä kommentti